Wararka laga helayo magaalada London ayaa sheegaya in Gaari xowli ku socday lagu dhufay Derbi amni oo laga ilaaliyo dhismaha Baarlamaanka UK, iyadoo xaalad amni ay halkaasi ka taagan tahay.
Shilka ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay qof waday GAARI waxaana ku dhaawacmay dhowr qof sida ay sheegeen Booliska magaalada London, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amniga oo xiray goobta isla markaana isku wareejiyay Gaariga falka geystay.
Ninkii Gaariga waday ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana gebi ahaan la xiray wadooyinka ku dhow Millbank, fagaaraha Baarlamaanka iyo Victoria Tower Gardens. Muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya ninka falkan geystay oo Gaariga laga soo bixiyey iagoo garbaduub ay booliska u wadaan.