Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Gaari looga shakiyey Qarax oo lagu arkay Bar laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalad Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay goor dhoweyd xireen Isgoyska Ceelgaabta oo u dhow bar laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya siiba kadib markii ay Gaari halkaas yaallay uga shakiyeen inuu sido waxyaabaha qarxa.

Gaariga ayaa la soo dhigay bartamaha Wadadda, waxaana dadka ka ag dhowaa loo sheegay inay ka fogaadaan. waxaana gebi ahaan la xiray isu socodka Gaadiidka iyo dadka wadaddaasi oo muhiim ah isku xirka magaalada.

Gaariga ayaa la waaeyay cid leh, wuxuuna goobta yaallay muddo ka badan saacad, waana gaari nooca yaryar ee raaxada ah, iyadoo loogu yeeray kooxda miino baarka ciidamada booliska.

Marar badan ayay dhacday in Gaari laga shakiyey oo xaalad cabsi amni ah dhaliyey in kadib qofkii lahaa uu yimaado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON