Wararkii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gaari saddexaad oo looga shakisan yahay inuu sido waxybaaha qarxa ayaa lagu arkay agagaarka Tiyaatarka Qaranka.
Gaarigan ayaa la sheegay inuu yaallo dhabarka danbe ee Maktabadda Qaranka, waxaana goobta xiray ciidamada Milateriga ee ilaalada Madaxtooyada, waxaana guud ahaan meesha ka baxay ciidamadii Booliska, iyadoo gaadiidka gurmadka loo diiday inay galaan goobaha qaraxyadu ka dhaceen si ay dhaawacyada u qaadaan.
Xaaladda ayaa si weyn u cakiran iyadoo laba qarax oo hore uga dhacay halkaasi ay dhaliyeen qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana goobta ku qulqulaya dadweyne doonaya inay eheladooda oo meeshaasi ku xayiran ay arkaan, waxaana ka hor istaagay ciidamada madaxtooyada.
Ciidamada ayaa rasaas goosgoos ah ku kala eryaya dadweynaha, waxaana dibadda taagan gaadiidka gurmadka, taasoo ay dhalisay cabsi laga qabo inuu dhaco qarax saddexaad.