Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Galmudug oo ku dhawaaqday inuu xiran yahay Garoonka Magaalada Gaalkacyo

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Galmudug ay ku dhawaaqay inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha  Magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay  Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay inuu xiran yahay Garoonka Magaalada Gaalkacyo  ee C/llaahi Yuusuf.

garoonkaGaroonka oo fariisin u ah ciidamada gaarka ah ee Puntland iyo saraakiil Mareykan ah ayaa Galmudug ay sheegtay in looga soo duulay weerarkii lagu laayay askarteeda oo ku sugnaa xarunta degaanka Jeexdin.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Mareykanku sheegtay inuu weerar ku dilay 9 ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku sugnaa duleedka Gaalkacyo. Arrintan ayaa xiisad ba’an ka dhalisay degaanada Puntland.

Amarka ay Galmudug ku xiray garoonka Gaalkacyo ayaa loogu digay diyaaradaha inay u soo dhowaan garoonkaasi. Arrintan ayaa uga sii dareysa xaaladda kacsan ee ka dhex oogan Puntland iyo Galmudug.

Dhinaca kale bannaanbaxyo looga horjeedo Mareykanka ayaa ayaa ka dhacay degaanada Galmudug, iyadoo lagu gubay calanka Mareykanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON