Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Golaha Wasiirada oo ku dhawaaqay Hanti dhowraha guud ee cusub

Kulankii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu magacaabay Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Golah Wasiirada ayaa hanti dhowraha cusub u magacaabay  Maxamed Cali Afgooye, iyadoo uu bedelayo hanti dhowrihii xilka hore looga qaaday Nuur Faarax Jimcaale.

Hanti dhowraha cusub ayaa wararku sheegayaan inuu kasoo jeedo isla beeshii hanti dhowrkii hore, waxaana wararku sheegayaan in arrintan lagu qancinayo beesha uu kasoo jeedo hanti dhowrihii hore oo ka gadoodsan dil lagu xukumay mid ka mida ilaaladiisa oo lagu dilay dilka wasiirkii howlaha guud.

Xilka hanti dhowrka waxaa sii hayay ku xigeenka Hanti dhowraha iyadoo lagu wado in Baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo si uu ansax u noqdo, inkastoo aan la ogeyn qaabka lagu soo xulay.

Golaha Wasiirada ayaa sheegay inuu Golaha u soo jeediyay Wasiirka Maaliyadda, ayna aqbaleen hanti dhowraha cusub.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON