Guddiga Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kulankoodii koowaad ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Guddiga oo ka kooban 17 xildhibaan oo 11 ka mida ay ka socoto Golaha Shacabka, halka 6-da kale ka tirsan tahay Aqalka sare ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle.
Guddoomiyaha cusub ayaa hore u ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo dib looga soo daray guddiga markii Baarlamaanku u codeeyeen inuu noqdo 16 xubnood.
Dhinaca kale waxaa guddoomiye ku xigeenka Guddiga loo doortay C/llaahi Sheekh ismaaciil (Fartaag) halka Xoghayaha Guddiga loo doortay Maryan Axmed Haaruun.
HALKAN KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA
Goobjooge.com