Monday, July 7, 2025

DEGDEG: Guddiga Hirshabelle oo joojiyay Doorashada Laba Kursi iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa hakiyey doorashada iyo ergo soo xulista laba ka mida saddex kursi oo ay Guddiga Xalay shaaciyeen odayaasha soo xulaya ergada.

Qoraal goor dhoweyd kasoo baxay Guddiga SEIT Hirshabeelle ayaa lagu yiri: “Kadib cabasho ka timid odayaasha dhaqanka Iyo Murashixiinta kuraasta HOP#010 & HOP#066, Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) waxa uu hakiyay Guddiga Xulista Erdada ee la diiwaangeliyay si looga jawaaabo Cabashadii ka timid GXE ee la shaaciyay”.

Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) wuxuu sheegay in Murashixiinta kuraasta Kor ku xusan iyo Umada Somaliyeed la wadaagi doonaan Magacyada Guddiga Xulista Ergada si Rasmiga ah marka la xaliyo cabashadaas.

Arrintan ayaa timid kadib markii magaalada Beledweyne lagu arkay maleeshiyo hubeysan oo ku hanjabtay inay dagaal u adeegsan doonto ka hortagga in la xiro kuraas uu ka mid yahay HOP010.

Kursiga HOP010: Waxaa hore ugu fadhiyey C/risaaq Axmed Maxamed (Jindi), waxaana la sheegay in loo xiray Musharax ay wadato Villa Somaliya, waxaana tartanka ku jirin xildibaan Jindi.

Halka HOP066 oo uu hore ugu fadhiyey Cumar Cismaan Waasuge, la filayo inuu isbedel ku yimaado, waxaana la tartamaya musharixiin dhowr ah, balse waxaa musharax u wata Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON