Friday, April 19, 2024

DEGDEG: Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo lagu dhawaaqayo & Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Taabit

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xaaladda magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka ay la wareegeen xarunta Gobolka Banaadir iyo xarumaha degmooyinka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe xaaladda ammaanka Muqdisho ay kula wareegeen ciidamada kadib amar kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo hordhac u ah xil ka qaadista lagu sameynayo guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay ilaalo ka hayaan guriga uu degan yahay guddoomiye Taabit, kadib markii la wareegeen xarunta Gobolka oo loo diiday in cid gasho ama ka baxdo.

Ad

Lama oga in guddoomiye Taabit uu ku sugan yahay gurigiisa ku yaalla degmada C/casiis, laakiin ciidamada ayaa lagu arkay agagaarka guriga, waxayna wararku qaar sheegayaan in xabsi guri la geliyey.

Saacado kadib ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banadir oo wararku sheegayaan in isla xalay xilli danbe la magacaabay, kadib kulamo saacado qaatay oo dhex maray Ra’iisal wasaare Kheyre wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo Agaasimaha madaxtooyada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON