Wararka laga helayo xarunta Villa Hargeysa ee guddoonka Baarlamaanka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay socdaan dadaallo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka culus ee ka dhashay Mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Kulan maanta qabsoomi lahaa ayaa loo hakiyey dadaallo ay wadaan xildhibaanno labada dhinac ka tirsan oo doonaya in xaaladda lagu dhammeeyo waanwaan iyo tanaasul ugu danbeyn keena inuu xilka banneeyo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Guddoomiye Jawaari ayaa markii labaad magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo wakiil uga noqda wadahadalka, iyadoo hore loo magacabaya guddi kale oo uu madax u ahaa Xildhibaan Caddow Cali Gees, kuwaas oo dhinac kale ay diideen inay xiriir la sameeyeen.
Guddiga labada dhinac ayaa maanta lagu wadaa inay kulmaan, iyadoo uu noqonayo kulankii ugu horeeyay ee labada Garab ee Baarlamaanku yeeshaan, waxayna arrintani horumar u tahay is mari waagii too taxnaa tan iyo bartamihii bishii Maarso.
Dadaalka ugu dambeeyay ee waanwaanta ayaa laba dhinac la sheegay inuu mid kasta doonayo guul siyaasadeed, waxaana Garabka xildhibannada ee mooshinka wada ay doonayaan inuu is casilo guddoomiye Jawaari, halka dhinaca Jawari ay rabaan heshiis meel dhexe oo lagu wada badbaado.