Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta lagu wadaa inuu booqdo Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa si weyn ugu diyaar garowday soo dhoweynta Ra’iisal wasaarahaa a cusub ee Itoobiya oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, iyadoo kulan weyn dhex mari doono labada dhinac ee dowlad degaanka iyo dowladda federaalka Itoobiya.
Booqashada oo qeyb ka ah socdaal uu Abiy Ahmd ku marayo maamuladda Itoobiya ayaa ku saabsan sidii uu la-tashi ula yeelan lahaa maamullada Itoobiya, isgoo dhowaan dhisaya xukuumad cusub oo Itoobiya yeelato.