Waxaa goor dhoweyd magaalada Kismaayo lagu doortay Guddoomiyaha cusub baarlaamanka Jubbaland kadib doorasho ka socoto Magaalada Kismaayo oo ay qabanqaabiyeen Guddiga Doorashada garabka Axmed Madoobe.
Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali waxaana ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.
Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helay 55 Cod halka Xuseen Shiinow Cali uu helay 18 Cod.
Doorashada Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo Saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, isla markaana 4 sano soo hoggaaminaayay baarlamaankii Koowaad ee Jubbaland ayaa caddeyn u ah in Axmed Madoobe dib loo dooran doono.
Waxaa hadda socota doorashada guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Jubbaland.