Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Howlgal culus oo ka socda Madaxtooyada & Alshabaab laga shakiyay oo la baarayo

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in howgal weyn uu ka socdo xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in laga shakiyay maleeshiyo Alshabaab ka tirsan oo ku lebisan dareyska ciidamada inay gudaha u galeen Madaxtooyada.

Ilo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegay in ilaa saddex askari  oo aan la garan lagu dhex arkay madaxtooyada, iyadoo markaas kadib la qaaday howlgal baaritaan ah oo lagu ururinayo laguna hubinayo dhammaan ciidamada ku sugan gudaha madaxtooyada.

Lama oga in xaaladu shaki keliya tahay iyo in halis weyn oo amni ay wajaheyso madaxtooyada Soomaliya. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la baarayo laba askari oo la qabtay.

LA SOCO FAAHFAAHINTA…

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON