Sunday, June 22, 2025

DEGDEG: Inta badan Dalalka Aasiya oo laga waayey Bishii Soonfur & Wararkii ugu danbeeyay ee Sacuudiga….

Inta badan dalalka Aasiya ayaa ku dhawaaqay inay waayeen Bishii Shawaal oo maqribnimadii caawa laga baadi goobayay dalalka islaamka oo dhan.

Dalka Indonesia ayaa ku dhawaaqay ugu horeyn in Berri ay tahay 30-ka Ramadaan, kadib markii la waayay Bishii Shawaal oo aragtideeda laga raadiyey dalkaasi, waxaana dalalkaasi ka mida: Australia, Indonesia, Malaysia iyo ew Zealand,iyadoo dalalkaasi ay saacado badan ka horeeyaan Geeska Afrika iyo Khaliijka oo Qoraxdu ay u hor dhacdo.

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa dadweynaha dalkaasi ka dalbatay inay soo sheegaan haddii ayay arkaan bisha Shawaal si markhaatigooda loo diiwaan geliyo. Wararkii ugu danbeeyay ee Sacuudiga ayaa sheegaya in la waayey dhalashada bishii Shawaal Gobollo ka mida Sacuudiga sida gobolka Xuuda Sudeyr, waxaase jira warar sheegaya in laga arkay gobolka Tumair, waxaana go’aanka rasmiga ah shaacin doonta Maxkamadda Sare ee Sacuudiga oo la sugayo daqiiqado kadib haddii la arkay bishii iyo in kale.

Ad

Arrintan ayaa ka dhigan in Berri ay noqoneyso 30-ka Ramadaan oo maalinta koowaad Ciidul fitriga ay ku beegan tahay Arbacadda oo ah 5-ta June 2019.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON