Tuesday, July 15, 2025

DEGDEG: Jen. Moorgan oo looga adkaaday Kursigii Aqalka Sare ee Baarlamaanka

Jen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan) ayaa looga  guuleystay xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorasho goor dhoweyd la soo gabagabeeyay ayaa natiijadii ay noqotay tii ugu adkeyd ee lagu loolamo, waxaana codadkii la tiriyay ay natiijadii noqotay in Jen. Morgan looga adkaado kursiga Aqalka sare ee uu doonayay inuu ka mid noqdo xildhibaan ka tirsan.

Waxaa Jen. Morgan  la tartamay Bootaan Barre Samatar oo kaga guuleystay loolanka adag iyadoo xildhibaanda Puntland ay meesha ka saareen Jen. Moorgan.

Jen. Morgan oo helay 27 cod

Bootaan Barre oo helay 38 cod

morgan
Jen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan)

Jen. Morgan ayaa ah shaqsi muran badan ka taagan yahay oo taariikhdiisi hore ay ka buuxaan  eedeymo xasuuq iyo dagaalo sokeeye, isagoo mar ahaa taliye ciidan oo dembi dagaal  loo heysto iyo markii dambe oo uu noqday hogaamiye kooxeed.

Arrintan ayaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka badbaadisay inuu ku soo biiro mid ka mida shaqsiyaadka muranka badan ka taagan yahay taariikh ahaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON