Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: In ka badan 100 Alshabaab ah oo lagu dilay maanta Duqeyntii ugu cusleyd ee Mareykanku fuliyo

Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn ay maanta ka fuliyeen sadhig tababar oo Alshabaab  ku lahaayeen Gobolka Bay la sheegay in lagu dilay in ka badan 100 Alshabaab ah.

Duqeyntan ayaa lagu qaaday degaanka Buur-elada oo u dhaxeeya Xabaal barbaar, Diinsoor iyo Buurhakaba, halkaasoo ahayd goob tababar iyo saldhig ciidan. Saxaafadda Mareykanka ayaa kasoo  xigatay saraakiisha waaxda difaaca Mareykanka in 8 Gantaal lala helay xerada, laguna dilay wixii ku sugnaa oo dhan oo tiro ahaan ka badan 100.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhinacooda sheegay in duqeyntaasi qasaare weyn loogu geystay Alshabaab ayna qeyb ka ahaayeen ciidamada xoogga dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay weerarkan, waxayna sheegtay in Soomaaliya ay hadda ka joogaan ilaa 500 askari oo ciidamada Mareykanka ka tirsan.

Faahfaahin weerarkan ayaa hadda soo baxaya iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay jiraan saraakiil nolol lagu qabtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON