Monday, June 23, 2025

Kooxda Alshabaab oo shaacisay inay 38 Askari ka dileen Kolonyadii Ciidamada Itoobiya

Iyadoo saaka aroortii uu weerar dhabo-gal ah ka dhacay duleedka magaalada Buurhahaba, ayaa kooxda Alshabaab waxay goor dhow shaacisay inay weerarkaasi ku dileen ku dhowaad 40 askari.

Sida ay baahisay Warbaahinta Alshabab ayaa lagu sheegay in ciidamada Alsahbaab ay cagta mariyeen Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxday Buurhakaba, kuna sii jeeday magaalada Baydhabo, waxayna sheegeen in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 38 askari oo Itoobiyaan ah, loogana furtay 4 gaari wixii saarnaa, kadibna la gubay.

Dagaal qaraxyo miinooyin ku bilowday ayaa isu bedelay mid toos ah oo maleeshiyada Alshabaab ay la galeen ciidamada Itoobiya ee ku safrayey Buurhakaba iyo Baydhaba, iyadoo aysan jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay sheegashada Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON