Kulankii ugu horeeyay ee xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo mooshin lagu bilaabay.
Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen ku dhowaad 300 xildhibaan ayaa waxaa la soo hordhigay Mooshin ku saabsan tirada guddiga Doorashada oo hore labada aqal loogu qoondeeyay tirooyinka kala ah:
Golaha Shacabka 10
Aqalka Sare 5
Arrintan ayaa keentay in 15 Xildhibaan ay soo qoraan mooshin ku saabsan in tirada Aqalka Sare ee Guddiga Doorashada laga dhigo 6 xubnood, taasoo ay sabab uga dhigeen in maamulada dalka ay ka kooban yihiin 6 maamul oo kala ah: Somaliland, Puntalnd, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland.
Mooshinkan ayaa Guddoonka Baarlamaanka uu hordhigay xildhibaanada inay cod u qaadaan, waxaana hadda soo gabagabowday codkaasi, iyadoo lagu wado in tirada xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee aqalka sare laga dhigo 6 xubnood.
Qaar ka mida xildhibaanada ayaa sheegay in arrintooda aysan ahayn mooshin ee ay tahay talo soojeedin ku saabsan xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Goobjooge.com