War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in laba wiil oo dhalinyaro ah goor dhoweyd lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in in kooxo hubeysan ay dilka geysatay, iyadoo labada wiil ee la toogtay ay ahaayeen dhalinyaradan ka shaqaysa busteejada Suuqa Bakaaraha oo gaadiidka BL-ka ka qaadi jiray lacagtaloo yaqaan Busteejada, lama oga sababta loo dilay.
Ciidamada Amniga oo goobta ka dhowaa ayaan ku guuleysan inay ka daba tagaan kooxdii dilka geysatay, inkastoo ay baaritaan ka bilaabeen goobtaasi oo ah meel aad u mashquul badan oo ganacsi badan ka socdo,
Shalay ayay ahayd markii koox hubeysan ay suuqa Bakaaraha ku dishay laba askari oo ka tirsan ciidamada amniga, waxaana hadda kasii daraya dilalka ka dhacaya suuqa Bakaaraha.