Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo maamulkiisu ku wajahayo dalka Iiraan.
Khudbad uu toos u jeedinayo xilligan ayuu ku sheegay in Iiraan ay tahay dowlad keli talis ah oo taageerta argagxisiada AlQaacida iyo Daacish, isla markaana ay amni darro ka wado gobolka Bariga Dhexe.
Trump ayaa sheegay inuusan saxiixeynin heshiiskii Niyukliyerka Iiraan, arrintaasoo uu u gudbinayo Koongareeska Mareykanka, heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid aan Iiraan ka hor istaageynin inay hesho hubka Niyukliyeerka ah, balse uu dib u dhigayo oo kaliya.
Arrintan oo in muddo ah la filayay ayaa waxaa ka horjeeda dalalka lixda ah ee heshiiska Niyukliyeerka Iiraan la gashay, taasoo Mareykanka ka dhigeysa dal gooni u socod ah oo keligiis ku ah ka bixidda heshiiskan.
Wuxuu ku eedeeyay nidaamka Iiraan inuu yahay mid qeyb ka qaatay dagaalka Suuriya oo dad badan lagu laayay iyo dalalka Gobolka oo uu xasilooni darro ka wado.
Tallaabooyinka uu qaaday Trump qaaday waxaa ka mida in cunaqabateyn la saaro dalka Iiraan, siiba ilaalada kacaanka Iiraan oo lagu darayo Islamic Revolutionay Guard oo lagu darayo liiska argagixisada.