Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Asamra ee dalka Eriteria, iyadoo ay tahay booqashadii labaad ee uu halkaasi ku tago mudo laba bilood gudahood ah.
Sida uu shaaciyey Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea Yemane Meskel wuxuu madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb geli doonaa shir madaxeed saddex geesood ah oo dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritea ku yeelan doonaan magaalada Asmara.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa saaka gaaray magaalada Casab ee dalka Eriterea iyadoo la sheegay inuu booqasho shaqo oo lab maalmood ah halkaasi ku joogi doono, waxaana garoonka magaalada Casab kusoo dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki.
Madaxweyne Farmajo ayaa kasoo laabanaya maanta shirkii Afrika iyo Shiinaha ee magaalada Beijing. waxaana la sheegay in shir madaxeedka Asmara arrimaha looga hadlayo ay ka mid yihiin heshiisiinta dalalka Jabuuti iyo Eritrea.