Iyadoo magaalada Dhuusamareeb ay ka socoto diyaar garowga munaasabadda dmhameystirka heshiiska Ahlu suna iyo Galmudug iyo Ahlu suna iyo Midowga labada maamul ayaa waxaa halkaasi gaaray qaar ka mida madaxda maamul goboleedyada.
Madaxweynayaasha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay soo dhoweyntooda ka qeyb galeen madaxweynaha Galmudug iyo madaxda Ahlu suna.
C/weli Gaas ayaa si gaara loogu soo dhoweeyay magaalada iyadoo boorarkii lagu soo dhoweeyay ay ku qornaayeen: WIILKEENOOW KU SOO DHAWOW GURIGAADA, taasoo loola jeedo inuu C/weli Gaas ku dhashay Magaalada Dhuusamareeb.
Wufuud kale ayaa la filayaa inay isla maanta iyo berri tagaan magaalada oo diyaargarowgii ugu weynaa ku jirta, wxaana la filayaa in wakiilada beesha caalamka ay berri tagaan magaalada.