Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo degdeg ugu dhoofay Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda Boqortooyada Sacuudiga.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalkiisa la xiriiro waanwaan ay dowladda Masar ka dhex sameysay Sacuudiga iyo dowladda Soomaaliya, waxaana socdaalkan la xiriiraa sidii uu Sacuudiga dib ugu bilaabi lahaa taageero dhaqaale oo uu hore ugu balanqaaday dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa diyaarad gaara u soo dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isaga iyo wafdi la socda ay diyaaradaasi ka qaaday Garoonka Muqdisho.

Wadahadal ay yeelan doonaan madaxda Boqortooyada Sacuudiga iyo Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa lagu soo qaadi doonaa sidii Sacuudiga u sii deyn lahaa taageero dhaqaale oo dhan 50 Milyan oo Doolar oo uu hore ugu balanqaaday Boqorka Sacuudiga Salaam Bin C/casiis oo ahayd kabka miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya iyo mashaariic Sacuudigu ka fulinayo dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON