Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Madaxweyne Farmaajo oo ogolaaday Howlgal lagu dilay Sarkaal Alshabaab ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa shaaciyay inuu ogolaaday fulinta howlgal laga dilay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

Qoraal madaxtooyada Soomaaliya faafisay ayaa lagu sheegay in howlgalkan laga fuliyay duleedka magaalada Muqdisho, degaanka Shaashweyne, laguna dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Alshabaab, kaasoo mas’uul ka ah qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Warka ma caddeyn sarkaalka la dilay magaciisa iyo xilka uu ka hayo Alshabaab, waxaana sidan oo kale oo hore ay madaxtooyada u shaacisay in madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday fulinta howlgalkii lagu dilay Guddoomiyihii Alshabaab ee G/Banaadir  Sheekh Cali Jabal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON