Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo uu xilka uga qaadayo Hanti dhowrka guud Nuur Faarax Jimcaale.
Madaxweynaha ayaa markii uu arkay go’aankii Baarlamaanka ee ay isku raaceen in xilka laga qaado Hanti dhowrka si loo wado baaritaanka dilka wasiirkii howlaha guud Cabbaas C/llaahi Siraaji wuxuu aqblay xil ka qaadista Hanti dhowrka isagoo si rasmi ahna xilkii ugaqaaday Hanti dhowrka.
Tallaabadan ayaa culeys kale saareysa diidmada hanti dhowrka ee ah inaysan xilka ka qaadi karin xukuumadda, waxaan hadda la geliyay xabsi guri, iyadoo baaritaanka dilka wasiirka qeyb ahaan laga saarayo.
Goobjooge.com