Friday, July 11, 2025

Madaxweyne Trump oo sheegay inay Iiraan ku kacday Khalad weyn, markii ay soo riday Diyaarad..

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay diyaarad nooca Drone-ka ah oo Iiraan ay kasoo riday ciidamada Mareykanka, isagoo sheegay in Iiraan ay gashay khalad aad u weyn, isla markaana la ogaan doono mar dhow haddii ay jawaab ka bixinayaan weerarka Iiraan.

Madaxweyne Trump oo ka hadlayay kadib kulan uu Aqalka Cad kula yeeshay Ra’iisal wasaaraha Canada ayuu sheegay in diyaaradda Mareykanka ee nooca Drone-ka ahayd ay ku sugneyd biyaha caalamiga ah, isla markaana ay hayaan caddeyn buuxda, ayna ogaan doonaan tallaabada Mareykanku qaadi doono.

“Iiraan khalad weyn ayay ku kacday, wax dhacana waad ogaan doontaan.. diyaaradda waxay ahayd mid aan hubeysneyn, haddii ay dad saaran yihiin xaaladda sidan waa ka duwanaan lahayd.. wax yar suga wixii dhici doona…” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Dhinaca kale Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhowaan faafineysa muuqaal ku saabsan diyaaradda laga soo riday Mareykanka ee saaka ay ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan soo rideen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON