Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xaaf oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb iyo Ciidamo hubeysan oo u galbiyey..

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa la sheegay inuu isaga tegay, kana guuray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Xaaf oo ka biyo diiday inuu la kulmo wafdiga wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Somalia oo ku sugan Dhuusamareeb, ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu isaga tago xarunta Galmudug, kadib markii ay siyaasad ahaan isku khilaafeen madaxa xukuumadda Galmudug iyo kooxda Ahlu suna oo uu hore ula midoobey.

Ciidamo taabacsan Madaxweyne Xaaf ayaa wehliya, waxaana ciidamo kale oo gurmad u ahaa ay ka raaceen duleedka magaalada Dhuusamareeb, iyadoo loo galbin doono magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu degaan ahaa kasoo jeedo Xaaf.

Xaaf , xubnaha la socday iyo ciidamada taabcsan ayaa caawa ku hoyanaya degaanka Godinlabe oo galabta maqribtii ay gaareen, waxaana la sheegay inay halkaasi ka socdaali doonaan maalinta Berri ah.

Tallaabada uu Madaxweyne Xaaf uga baxay magaalada Dhuusamareeb ayaa timid kadib markii magaalada Dhuusamareeb ay gaareen ciidamo ilaalo u ah Ra’iisal wasaare Kheyre oo la filayo inuu gaaro magaaladaasi .

Xaaladda Galmudug ayaa u muuqata in la isku mari waayey, kadib markii qorshihii xukuumadda Somalia ee ah in doorasho bisha July ka dhacdo Galmudug ay isku khilaafeen madaxweyne Xaaf iyo Ahlu suna.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON