Waxaa goor dhoweyd magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, soona noqday Wasiir, iyo xildhibaan ka tirsan dowladda Somalia.
Marxuum Qanyare ayaa muddo dheer xanuunsanaa, wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer oo lagu baxnaaniyey xaaladiisa, iyadoo geeridiisa ay xaqiijiyeen ehelkiisa, waxaana tacsi u diray xildhibaanno iyo madax ka tirsan dowladda Somalia.
Qanyare ayaa lasoo shaqeeyay Cali Mahdi Maxamed iyo Jen. Maxamed Faarax Ceydiid oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho, isagoo markii danbe ka talin jiray qeybo ka mida magaalada Muqdisho intii aanay Muqdisho la wareegin Maxkamadihii islaamiga ahaa.
Maxamed Qanyare Afrax ayaa siyaasadda uga fariistay caafimaad darro, waxaana kursigii xildhibaanka kala wareegay wiilkiisa C/weli Maxamed Qanyare oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.