Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa waqti kama danbeys ah u qabatay gabagabada dhageysiga Dacwadda ee Kiiska Soomaaliya iyo Kenya.
Makamadda ayaa Berri Galab dhageysan doonta gunaanadka Dacwadda ee Qareenada Soomaaliya, kadib go’aan ay Maxkamadda ICJ ka qaaday qoraal uga yimid dowladda Kenya oo Maxkamaddu ay mar kale ka diiday inay dib ugu soo laabato Maxkamadda.
“Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya..” ayuu yiri Madaxda Wafdiga Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo goor dhoweyd farriintan soo diray.
Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ayaa iska qoraal uu soo saaray ku yiri: “Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada ayaa go’aamisay in dood afeedka dhagaysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya la soo gabagabaynayo maalinimadda beri ah haddi Allah idmo”
