Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay bannaanbixii Beri oo Sabti ah ka dhici lahaa caasimadda Muqdisho.
Shir jaraa’id oo ay goor dhow qabtaan Midowga Musharxiinta ayey ku sheegeen inay dib ugu dhigeen bannaanbaxa, kadib markii ay dowladda xirtay wadooyinka Muqdisho iyo Daljirka Dahsoon.
Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladda wax badan isku dayday inay joojiso. Sheekh Shariif ayaa sheega in dowladda ay ciidamo ku xirtay magaalada ayna joojisay bannaanbixii ay ogolaaday xukuumadda.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dib loo dhigay bannaanbixii, mar kalena ay dib kasoo sheegi doonaan goobta uu ka dhacayo iyadoo ay ammaanka sugi doonaan dhinacooda, ayna nasiib darro tahay in dowladda xilkeedu damamaday ay ku dhawaaqdo ku takrifal awoodeed.
“Magaalada oo dhan ayaa xiran… Ciidamada maanta wadooyinka lagu daadiyey iyo hubka ay heystaan waxay u heystaan gabar iyo wiil Soomaaliyeed oo bannaabax nabadeed dhigaya, umana socdaan Alshabaab oo magaalooyinkii dalka ay Shabaab go’doomiyeen..” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ku eedeeyay madaxda xilku ka dhammaady dowladda ay caadeysteen inay maalin waliba neen sheegaan.
Wuxuu sheegay in bannaanbixii dib loo dhigay balse aysan ka tanaasulin, ayna qaban doonaan bannaanbax ay amnigiisa iyagu sugan doonaan, isagoo farriin diray ciidamada dowladda una sheegay inaysan qaadan amar ay ku rasaaseynaya dadka shacabka ah.
