Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

Xubnahan ayaa ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada, waxaana u bilowday labada dhinac  kulan hordhac ah, kaasoo noqonaya fadhigii ugu horeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay madaxda mucaaradka ee sida weyn uga horjeeda.

Saxaafadda looma ogolaan kulanka u dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan, War-saxaafadeeed kooban oo Madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran uu maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo xubno kale.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada” aya lagu yiri warka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
 
 

Lama sheegin Ajendaha kulanka iyo qodobada looga hadlayo, laakiin xubnaha  mucaaradku ayaa caddeeyay inay doonayaan inuu Madaxweynaha ka noqdo isbedelka lagu sameeyay 4 ka mida cutubyada dastuurka.

Madasha mucaaradka ayaa sidoo kale dalbaneysa in la kala diro guddiga doorashooyinka oo ay ku eedeeyeen inuu yahay Guddi hal dhinac ah, iyagoo sidoo kale madaxweynaha ka doonaya inuu Madasha Qaran ee Wadatashiga dib ugu soo Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u ballan qaaday inay furnaan doonto Gogosha wadatashiga, balse wuxuu ka horjeedaa dalabka mucaaradka ee arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka, iyadoo aan la ogeyn sida ay heshiis uga gaari karaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON