Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Musharax C/raxmaan Faroole oo ka baxay tartanka Doorashada Madaxweynaha

Musharaxa C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inay ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xilli dhow magaalada Muqdisho ayuu ku shaaciyay inuu ka tanaasulay tartanka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa musharixiinta xilkaasi u taagan ee 23-ka ah.

Hore ayaa loo saadaalinayay inuu Faroole ka hari doono tartanka oo ujeedka ugu weyn ay ahayd inuu isku dhex muujiyo musharaxiinta.

Taageerada uu heysto C/raxamaan Faroole ayaa ahayd mid aad u hooseysa inkastoo uu isku dayay inuu heshiisyo la galo musharaxiinta loo saadaalinayo inay ku guuleystaan xilkan.

Tanaasulka Faroole ayaa soo baxay iyadoo maalin qura ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON