War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu tartanka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug isaga haray mid ka mida musharixiintii u taagnaa.
Musharax Cabdullaahi Axmed Calasow (Shiino) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka haray tartanka xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu tartanka uga baxay sababo jira, waxaana hadda isugu soo haray labada musharax ee Dr. Maxamed Nuur Gacal oo taageero xukuumadda Soomaaliya iyo C/naasir Aadan Cusmaan oo ay taageerayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Ahlu suna.
Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa wararku sheegayaan inuu dib u dhac weyn ku yimid ololihii doorashadiisa ayna soo wajahday kharash la’aan keentay inay ka tagaan xildhibaanadii yaraa ee taageersanaa, isagoo markii hore aan ku tiirsaneyn kooxo siyaasadeed iyo xisbiyo.
Tartanka doorashada ayaa hadda bilaabanaya iyadoo lagu wado inuusan wareegto badan qaadan oo haddii lagu kala bixi waayo wareegga koowaad loo gudbi doono wareegga saddexaad maadaama ay kaliya ka qeyb galayaan laba musharax oo kaliya.