Tirinta codeynta wareegii kooowaad Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo hadda soo gabagabowday, waxaana natiijo hordhaca ah durba soo baxday.
Wareegga koowaad waxaa ku tartamaya 10 musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha, waxaana isla wareega ku guuleysan lahaa musharaxii hela aqbaliyadda codadka xildhibaannada oo ah 139, taasoo aan hadda muuqan.
Waxaa codadka la tiriyey ugu horeeyay Tirinta codadka ayaa waxaa ka muuqata inaysan cidna heli doonin aqbaliyad iyadoo ay isku dhow yihiin saddexda musharax ee Maxamed Mursal C/raxmaan, Ibraahim Isaaq Yarow, iyo C/casiid Laftagareen.
Liiska Musharixiinta ugu horeeya codadka waxay kala yihiin:
1 -Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan 83
2- Ibraahim Isaaq Yarow 69
3- C/casiis Xasan Maxamed 54
4- Shariif Maxamed Cabdalla 19
5- Cali Sheekh Mohamed Nur 16
Haddii aanu imaan isu tanaasul waxaa wareegga labaad u gudbi doona afarta musharax ee ugu horeysa, waxaana muuqata haddii ay heshiiyaan musharixiinta mucaaradka ah in laga takhalusi karo musharaxa xukuumadda Maxamed Mursal Sheekh.
Natiijadan oo rasmi noqotay ayaa waxaa lagu dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka ee xilka sii haya C/weli Muudey, waxaana wareega u gudbay.
1 -Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan 83
2- Ibraahim Isaaq Yarow 69
3- C/casiis Xasan Maxamed 54
4- Shariif Maxamed Cabdalla 19
NATIIJADA WAREEGGA KOOWAAD OO DHAMEYSTIRAN HOOS KA AKHRISO