Waxaa hadda soo dhammaaday doorashada Wareegii koowaad kursigii Baarlamaanka ee Jufada Cali Madaxweyne ee Beesha Xawaade oo ka socotay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.
Kursigan oo ay ku loolamayeen siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale oo gaaraya lix ayaa natiijadii ay noqotay inay isugu soo haraan laba musharax oo codadka oo dhan wada qaatay marka laga reebo hal codadki xumaaray iyo hal cod oo uu helay Musharax Cosoble:
LIISKA MUSHARIXIINTA KU TARTAMAY & NATIIJADA WAREEGA KOOWAAD:
1- C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) -Taliyihii hore ee NISA 24 Cod
2- Cali C/llaahi Cosoble – Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle 1 Cod
3- Daahir Cabdulle Cawaale – Musharax Hirshabeelle 0 Cod
4- Nuur Iidow Beyle -Musharax Hirshabeelle 23 Cod
5- Dahabo Xasan Axmed -Musharax kursigan doorahasii hore 0 Cod
6- Xuseen Axmed Geelle 0 Cod
Iyadoo aanu jirin Musharax helay codad dhan 2/3 cododka ergada oo gaareysa 51 Ergo, isla markaana ay hallowday 3 cod, ayaa waxaa loo gudbi doonaa wareega Saddexaad mar haddii ay isugu soo hareen laba musharax oo kala ah Nuur Iidow Beyle iyo C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxaana lagu kala bixi doonaa cod hal dheeri ah.
Guddiga doorashada ayaa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada rasmiga ah oo ah tiraada kor ku xusan, waxaana loo gudbay wareegga labaad.