Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in galabta ay kooxda Ahlusunna xabsiga u taxaabtay Odayaal dhaqameed degaanka ah oo tiradoodu gaareyso 10 oday dhaqameed oo ka soo jeed Gobolka Galgaduud.
Odayaasha la xirxiray ayaa lagu soo eedeeyay inay qaateen lacag Diyo ahayd oo kooxda Alhabaab ay siiday, iyadoo Ahlu suna ay si weyn uga hor timid arrintaasi.
Kiiska arrintan ayaa ka danbeeyay dhibaato ka dhacday Tuulada Warxoolo ee Gobolka Galgaduud, waxaana odayaasha iyo Alshabaab ay heshiis ka gaareen iyadoo diyo laga siiyay dad lagu dilay degaankaasi oo Alshabaab ay ka danbeysay.
Goobjooge.com