Monday, June 23, 2025

Odayaasha Cadaaddo oo qaadacay Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug ee xukuumadu magacowday

Odayaasha Beesh Saleebaan ee H/Gidir oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaaddo ayaa qaadacay Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ee uu magacawday Xukuumadda Somalia.

Shirka odayaasha Cadaaddo oo goor dhoweyd soo gabgaboobay ayaa laga soo saaray qoddobo ay ka mid yihiin arrimaha Galmudug iyo Guddiga dib u heshiisiinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somalia uga dhawaaqday magaalada Dhuusamareeb oo ka kooban 12 xubnood, kuwaasoo qaarkood shalay gaaray caasimadda Galmudug.

Odayaasha Beesha Saleebaan ayaa qaadacay Guddigan iyo ka qeyb galka gogosha dib u heshiisiinta ee xukuumadda Somalia ay sheegtay inay ka furmi doonto magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay ku eedeeyeen Ra’iisal wasaare Kheyre inuu uga baxay ballan ay la galeen, isla markaana ay ka horjeedaan qaabka uu u wado arrimaha Galmudug.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON