Saturday, June 28, 2025

DEGDEG: Prof. Gaandi oo looga adkaaday tartankii Kursigii Aqalka Sare ee Jubbaland [Akhri sababta]

Mid ka mida musharixiinta ugu caansanaa ee xildhibaanada u sharxan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya maamulka Galmudug ayaa loo adkaaday tartanka.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo hore u soo noqday wasiirka Gaashaandhigga dowladii KMG ahayd, hindishii maamul goboleedka Azania iyo xildhibaan ka tirsan Federaalka oo ay u dheer tahay inuu yahay aqoonyahan heer caalami ah ayaa ku fashilmay inuu ka mid noqdo  Aqalka Sare ee Soomaaliya.

gaandiBaarlamaanka Jubaland ayaa cod u qaaday kursi ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah:

Axmed Xaashi Maxamuud

iyo Prof: Maxamed Cabdi Gaandi.

Codkii loo qaaday ayaa noqday in Xildhibaanada Jubaland ayaa musharaxa Axmed Xaashi Maxamuud wuxuu  helay Cod dhan 40, halka Prof. Maxamad Cabdi Gaandi uu helay 26 Cod.

Guuldarrada ku dhacday Prof. Gaandi ayaa loo aaneynayaa maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo taageersanaa Axmed Xaashi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON