Qarax aad u culus oo jugtiisa laga maqlay daafaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhow laga maqlay caasimadda Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa kii ugu cusla ee dhowaanahan la maqlo ayaa gilgilay guud ahaan magaalada, waxayna wararkii ugu horeeyay ee la helo ay sheegayaan inuu ka dhacay Isgoyska Ex. Koontrol Afgooye, iyadoo dadka degaanka ay ku waramayaan inay jugta qaraxa dhalisay inay kusoo dumaan guryaha ay ku jireen…
Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, iyadoo lagu beegsaday xarun canshuuraha lagu qaado o wasaaradda Maaliyadda ku leedahay Ex. Kontrol Afgooye, waxaana halkaasi gaaray ciidamada Amniga iyo Gaadiidka Gurmadka degdegga ah.
WARARKII UGU DANBEEYAY HALKAN KA AKHRISO