Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Qarax aad u weyn oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax aad u culus oo ruxay magaalada Muqdisho ayaa goor dhow laga maqlay caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa kii ugu weynaa ee muddooyinkan la maqlo ayaa si weyn looga dareemay magaalada waxaana cirka isku shareertay uuro iyo qiiq ka dhashay qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgoyska Zoope oo ah goob aad u mashquul badan oo dadka rayidka ah ay ku badan yihiin. Qasaare badan ayaa laga soo weriyay goobta uu qaraxa ka dhacay iyadoo awoodda qaraxa uu ahaa mid aan hore loo arag oo geystay burbur iyo qasaare baaxad leh.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dad badan wax ku noqdeen. gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa ku qulqulaya goobta. Gaariga qaraxa geystay ayaa lagu sheegay inuu ahaa nooca waaweyn ee TM-ka oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Warkan oo hadda dhacay la soco faahfaahinta…

Wararkii ugu danbeeyay Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho & Hotel caan ah oo loo dan lahaa

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON