War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax xoog leh ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo jugtiisa laga maqlay inta badna Degmooyinka Caasimadda.
Wararka yaa sheegaya inuu Qaraxa ka dhacay agagaarka BARTA laga ilaaliyo Madaxtooyada ee taallada Xaawo Taako, una dhow Tiyaaarka Qaranka mel u dhow maqaayadda Blue Sky, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu ahaa qof is-miidamaiye ah, halka warar kalena ay tilmaameen in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.
Ciidamo fara badan oo kuwa amniga ah ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana loo diiday dadka iyo gadiidka iyadoo qasaaraha ka dhashay aanu weli kala caddeyn.
Qaraxwayn ayaa Ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka, waxaan Ku suganahay meel aan aad uga fogayn goobta qaraxu Ka dhacay, goob makhaayad ah oo aan joogay, waxaa Ku soo dhacay hilbo dadeed , waxaa dhacaya rasaas.Goobta sida rasmiga ah uu uga dhacay ayaa ah Makhaayad Blue sky oo 10 mitir u jirta xarunta Tiyaatarka qaranka.
Weriye Xasan Cadde – Goobjooge
Qof ayaa isku miidaamiyay Maqaayadda Blue Sky oo u dhaxaysa Godka Jilacow iyo Xaawo Taako.Inta la ogyahay 2 Qof ayaa ku dhimatay oo midi yahay Cunug yar oo 10 Jir ah, Sidoo kale dhaawacyo ayaa jira.
Weriye C/casiis Afrika