Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka jeediyay shirka kooban ee maanta ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa jawaab u diray Madaxweyayaasha Puntland iyo Jubbaland oo gogol soo dhoweyn ay Beesha Hawiy ugu sameeyay magaalada Muqdisho.
Waare ayaa sheegay in Beesha Hawiye ay ku fiicneyd inay gogoshaas u dhigato Madaxweyanha ama Isaga iyo Qoorqoor oo dowladda ku metala ay soo dhoweeyaan oo shir loo qabto, lana weydiiyo waxa ay ka galaan dowladda. “Laakiin Dhaankaas ceel ay biyihiisu yar yihiin ayaa loo dhaanshay, umana maleynaayo in biyo badan laga keenayo.. Nimankaas Doorasho, Ra’iisal wasaare ayaa la weydiiyey iyo Amiga Xamar. Nadaafad ayaa laga hadlay, waxaasi wax ay ka galaan ma laha.. hal shey ayey wax ka galeen oo ahayd in la weydiiyo 13-kii kursi ee Aqalka laga siiyey Xamar ayaan ku taagan tihinne ka kaca..tiina lama weydiin” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.
Waare oo si toos ah ugu jawaabay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa sheegay in si kasta ay ku raadiyeen sidii ay uga qeyb geli lahaayeen shirka Dhuusamareeb 3, ayna waayeen. “Laakiin Saaxiibadey marka ay yimaadeen waxaan ka sugeynay inay yiraahdeen; Dhibaatadaas ayaan ku maqeyn, laakiin awalba iyagaa meesha iska taagtaagnaa, annaaga tii hore geynay, tanna ka maqneyn kama sugeynin.. Meeshii aan ka maqnaa lama joogin wixii aanan dhihinna lama dhihin, annaga nama qabato… warkaas haddii la daba socdo waan arkeynaa.. hadii kalena waan ka soconeynaa.” ayuu yiri madaxeynaha Hirshabeelle.

HOOS KA DAAWO