War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu Qarax ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo lala beegsaday Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi Abiy Ahmed.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob fagaare ah magaalada Adis ababa oo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi kula hadlyey dad kumanaan oo isu soo baxay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ay halkaasi isku wareejiyeen ciidamada amniga markii uu khudbadiisii dhammeystay oo si degdeg ah ay goobta uga kaxeeyeen.
Goobta qaraxa ka dhacay ayaa lagu magacaabaa fagaaraha Meskel Square oo magaalada Adis ku yaalla. Saxaafadda Itoobiya ayaa sheegtay in dhowr qof ku dhaawacmeen qaraxa, iyadoo xaaladda ay isku bedeshay mid qasan. Qaraxa ayay saraakiisha booliska sheegeen inuu ahaa mid yar oo kaliya dhaliyey dhaawacyo fudud.
SAWIRRO: Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ka badbaaday Qarax ka dhacay fagaare ku yaalla Adis Ababa
DAAWO: Muuqaaladii ugu danbeeyay Qarixii Adis ababa iyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo ka hadlay