Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo uu geystay gaari nooca raaxada ah ayaa ku qarxay wadadda Balcad, gaar ahaan inta u dhaxeysa Beyxaani iyo Nasiib buundo, agagaarka hotelka Oriental ee magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu horeeyay ee qaraxaasi laga helay ayaa sheegay inuu ku dhintay qofkii gaariga wadayiyo laba askari, mana cadda bartilmaameedka qaraxa isagoo ku qarxay meel u dhow bar ay ciidamadu joogeen.

Qarax ayaa dhacaya iyadoo amaanka magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay xilli ay socdaan khudbad jeedinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON