Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd qarax ka dhacay agagaarka isgoyska Soope ee caasimadda dalka.
Qaraxan ayaa yimid, iyadoo Jidkaasi oo xiray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo. lasheegay inu xaflad Dhagax dhig ah ka qeyb gelayo.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya inuu Qaraxa ahaa Gaari lagu xiray Miino oo uu lahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amniga, kaasoo ku qarxay Soobe. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay Darawlkii Gaari, iyo sidoo kale laba qof oo goobta ka ag dhowaa.
Jidka ayaa weli xiran, waxaana qaraxa Gawaarida lagu xiro uu muddooyinkan si weyn ugu soo badanayaa caasimadda Muqdisho, waana kii saddexaad ee muddo bil ah ka dhaca magaalada.