War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax laga maqlay Tareen dhulka hoostiisa mara magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Booliska ayaa sheegay inay baarayaan qarax ka dhacay tareenka dhulka hoostiisa mara ee Koonfur galbeed magaalada London. Sawir la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya boosto holac ka baxayo laakiin aanay ka muuqan waxyeelo badan.
Dadkii tareenka saarnaa oo cabsi xoog leh ka qaaday qaraxa ayaa ka cararay tareenka, waxaana laga soo weriyay goobta tareenka laga raaco ee Parsons Green station in dad fara badan ay is buurteeen si ay u baxsadaan.
Ugu yaraan qof dhaawac kasoo gaaray wejiga ayaa goobta lag arkay, waxaana gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah ee magaalada London.
Booliska ayaa ku gaabsaday inay baarayaan xaaladda, iyadoo goobta laga soo sheegay qaraxa uu jahawareer ka taagan yahay.
LA SOCO FAAHFAAHINTA..