Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Qarax Is-miidaamin ah ka dhacay Magaalada Beledweyne & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka hadda laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu qarax is-miidaamin ah goor dhoweyd ka dhacay magaaladaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo  ka dhacay Maqaayad kasoo horjeeda xarunta maamulka Gobolka Hiirean ee magaalada Beledweyne.

Maqaayadda qaraxa lala beegsaday ayaa ahayd xarun ay ku badan yihiin siyaasiyiinta iyo weriyeyaasha, waxaana la xaqiijiyay in ilaa 3 saxafi ay ku dhaawacmeen, iyadoo wararkii ugu horeeyay ee soo baxa ay sheegayaan inay ku dhinteen 3 qof, halka 15 kale ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa kacsan, waxaana goobta xitay ciidamada ammaanka iyadoo lala tacaalayo xaaladda. Waxaa qaraxa lagu beegay xilliga salaad duhur kadib oo dadku aad ugu badan yihiin goobtaasi.

FAAHFAAHIN: Weriyeyaal ku dhaawacmay Qarixii Beledweyne & Wararkii ugu danbeeyay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON