Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

Wararkii ugu danbeeyay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Qaraxa uu geystay qof is-miidaamiyey.

Qaraxa ayaa ka dhacay Degaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho oo ah bar ay ciidamada dowladda ka ilaaliyaan magaalada Muqdisho oo lagu baaro gaadiidka ka yimaada Gobolka Sh/Hoose.

Qarax Gaariga ayaa ka danbeeyay markii lagu joojiyey Bar koontarool ee ciidamadu  ku leeyihiin degaanka Siinkadheer, Waxaana soo baxaya qasaaraha uu geystay qarax oo ninkii is-midaamiyey uu ku dhintay.

Wadaha Gaariga ayaa la sheegay in markii uu xaqiiqsaday in Gaariga aanu ka gudbi karin barta Siinka dheer ayaa la sheegay inuu is qarxiyay, waxaana wararku sheegayaan in dhowr qof ay ku dhinteen, iyadoo dhaawac kasoo gaaray dad ku sugnaa agagaarka goobtaasi.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan xaalado amni iyo feejignaan ku saabsan in qaraxyo ay soo maleegeen Alshabaab kusoo maqan yihiin magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON