War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax aad u culus uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa laga maqlay guud ahaan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa mid aad u weyn.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxu ka dhacay wadadda Maka Almukarama gaar ahaan albaabka hore ee Hotelka Weheliye.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaliyay qasaare badan, iyadoo goobta lagu arkay meydad fara badan oo ku dhow 10 qof.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana goobta laga cabsi qabaa in gawaari kale oo miineysan ay yaallaan, ciidamada ayaa xiray agagaarka Hotelka Weheliye ee qaraxu ka dhacay, waxaana socda gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.
Qaraxan ayaa ku soo beegmay iyadoo saaka qarax kale ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdish, iyadoo qaraxaasi ahaa mid is-miidaamin ah oo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Faahfaahin ku saabsan Qarax xoog leh oo lala beegsaday Hotel Weheliye, Muqdisho
Goobjooge.com