War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax weyn ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay qeybo ka mida caasimadda.
Waxaa cirka isku shareertay uuro ka dhalatay qaraxa, waxaana wararki ugu horeeyay ee qaraxa aya sheegayaan in Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weerarray xarunta Degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho. Weli lama hayo qasaaraha uu geystay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamad amniga iyo gaadiidka gurmadka degdega ah.
Weerarka lagu qaaday degmada xarunta Wardhiigley ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah bishan Ramadaan iyo muddo 45 maalmood ah oo Muqdisho laag bilaabay howlgallo amni oo lagu kala xiray wadooyinka waaweyn ee magaalada.
Qaraxa ayaa dhacay xilli uu magaalada ka socday bannaanbax ay dhigayeen ardayda Dugsiyada Sare ee magaalada Muqdsho oo ka horjeeday imtixaan ay galeen oo la joojiyey, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada, kadib markii uu suuqa galay oo la xaday imtixaankii.