Qarax xoog leh ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Trebuunka, degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu ahaa in lala beegsaday Xerada Ciidamada Milateriga ee Jen. Gordan, waxaana qaraxa ka dib la maqlay rasaas goobtaasi ka dhaceysa.
Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo lagu weeraray kolonyo mareysay agagaarka Xerada Jen. Gordon oo uu la socday Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage. Waxaa weli goobta laga maqlayaa rasaas…
LA SOCO WIXII SOO KORDHAA..
